Waa maxay Aphasia(Hadal la,aanta)

Ayub Mohamud
0



Aphasia (Hadal la,aanta) waa xaalad qofka ay ku adag tahay inuu hadlo sidoo kale luuqada xitaa oo ku hadli waayo.

Badanaa waxaa keena inay wax gaaraan maskaxda dhinaca bidix sida tusaale cudurka loo yaqano Stroke(maskaxda oo dhiiga ku furma).

Calaamadaha lagu yaqaano Aphasia

Dadka qaba cudurkaan badanaa waxay dhibaato ku qabaan 4 siyaabood oo ay dadka ku fahmaan oo ayna u isticmaalaan luqadooda. Waxayna kala yihiin:

  ü Aqriska

  ü Dhaqeysiga

  ü Hadalka

  ü Qorista ama qoraalka

Dhibaatooyinka hadalka ayaa laga yaabaa inay yihiin kuwa ugu cadcad, dadka aphasia leh waxaa laga yaabaa inay qaldaan ereyada ay adeegsanayaan.

Tani waxay keeni kartaa mararka qaar inay qaldaan ereyada ay ku hadlayaan, inay doortaan erey qaldan ama inay si qaldan ereyga ugu dhawaaqan.

Cudurkan Aphasia wuxuu saameeya qofka awooda dadka kula xiriirayo, ma saameyo qofka caqlikiisa.

Aphasia wuxuu udhici karaa si iskiisa ah ama inay wehliyaan xanuuna kale sida: dhibaatooyinka aragga, dhibaatooyinka dhaqdhaqaaqa, daciifnimada addimada, iyo dhibaatooyinka xusuusta ama xirfadaha fekerka.

Maxaa keeno Aphasia

Aphasia waxaa keeno dhawaac soo gaara maskaxda dhanka qaabilsan fahamka iyo soo saarista luqadda.

Waxa ugu badan ii keeno waa:

Ø Stroke  - sababta ugu badan ee keena aphasia.

Ø Dhawaca daran ee soo gaara madaxa.

Ø Burro kasoo baxda maskaxda.

Ø Xaaladaha neerfaha oo sii socda sida hilmaamka(Dementia).

Aphasia wuxuu saamey karaa dadka oo idil laakiinse wuxuu u badanyahay da’da 65 sano iyo ka badan. Tani waa sababta oo ah stroke ka iyo xaaladaha neerfaha ee sii socda waxay u muuqdaan inay saameeyaan oo ay ku dhacaan dadka waaweyn.

 


Sidee loo baaraa ama loo ogaada cudurka Aphasia

Aphasia waxaa badanaa la ogaadaa ka dib baaritaanada uu sameeyo dhaqtar- ha ahaado dhaqtar ku taqasusay hadalka iyo luqadda ama dhakhtarka caadiga ah. Waxay kaloo gacan ka geysan karaan diyaarinta daawaynta haddii loo baahdo.

Tijaabooyinku waxay inta badan ku lug leeyihiin jimicsiyo fudud, sida in qofka la weydiiyo inuu magacaabo walxaha qolka dhexyaalo, ku celceli erayada iyo weedhaha, qor kadibna aqri.

Ujeedada tijaabooyinka waxay ka caawinayan in la fahmo awooda qofka uu leeyahay:

  ü faham hadalka aasaasiga ah iyo naxwaha

  ü xiriirka bulsho - tusaale ahaan, inuu sheekayn karo ama kaftankana fahmi karo.

  ü akhri oo qor xarfo, kelmado iyo weedho

Sido kale Baaritan inaa u dirto CT ama MRI ayaa loo isticmaali karaa si loo qiimeeyo dhaawaca maskaxda.

Daawaynta aphasia

Daaweynta hadalka iyo luqadda ayaa loo sameeya waana waxa ugu muhimsan oo lagu daaweyo qofka qabo cudurkaas.

Muhiimaddana waa in qofka loo soo celiyaa awooda hadalka iyo xiriir sameynta.

Haddii aphasia oo keeno Stroke, bukaanada intooda badan waxay ku soo kabtaan ilaa heer marka laga daaweyo.

Laakin fursada soo kabashadu aad bay ugu liidataa dadka qaba aphasia taasoo ka imaatay ama keentay xaalad neerfaha oo sii socota(Dementia).

 

wixii dheer ah booqo websitekeena https://www.ayubmedical.com/



Post a Comment

0 Comments
Post a Comment

#buttons=(Accept !) #days=(20)

kusoo Dhawaw. Our website uses cookies to enhance your experience. Read More
Accept !
To Top