Waa maxay appendicitis (qabsin)?

Ayub Mohamud
0


 

Qabsinku(Appendicitis) waa caabuq ku dhaca xubinta appendix ka oo aad u xanuun badan.

Appendix waa xubin yar oo ka mid ah mindhiciraha jirka, waxa lagu qiyaasa 5-10cm dhirir, waxayna u dhaxaysa mindhiciraha yar iyo mindhiciraha weyn.

Appendix lama yaqaano jirka shaqada oo ka qabto sidaa darteed haddii qofka laga saaro wax dhib ah ma lahan.

Calaamadaha Qabsinka

    Ø  Xanuun dagdag ah oo ka bilaabma dhanka midig ee caloosha qeybta hoose.

    Ø  Xanuun dagdag oo ka bilaabma agagaarka xudunta kadib inta wuxuu u wareegtaa dhanka midig caloosha hoose.

    Ø  Xanuun badanaya markii aad qufacdo, socotid iyo dhaqdhaqyada kale.

    Ø  Lablabo iyo matag badan.

    Ø  Qandho.

    Ø  Caloosha oo ku bararta.

    Ø  Shuban ama caloosha anan ku soconin.

    Ø  Dhuuso ama aaryo badan

Maxaa keena qabsinka

Qabsinka waxa ugu badan ee keena waa in uu xirmo ka dibna ka dhasho infection aad u xanuun badan oo qofka ku keeno in laga saaro.



Sidee ku baari karnaa amaa ku ogaan karnaa Qabsinka

Xanuunka loo yaqaan 'appendicitis' wuxuu noqon karaa mid dhib badan in la ogaado haddii aanad lahayn calaamadahaan:

Appendix badana dadka wey kula duwan yihiin meesha uu ku yaalo, meelaha oo dhici karo waxaa ka mid ah:

    Ø  In uu dhaco miskaha(pelvis)

    Ø  In uu dhaco mindhiciraha weyn gadaashiisa

    Ø  In uu dhaco mindhiciraha yar agtiisa

 

Dhakhtarka wuxuu ku weydiin doonaa calaamadaha aad isku aragtay, wuxuu baari doonaa calooshaada (examination), oo wuxuu fiirin doonaa haddii xanuunku ka sii darayo marka oo riixo agagaarka caloosha (dhinaca midig ee hoose calooshaada).

Haddii aad leedahay calaamadaha caadiga ah ee xanuunka loo yaqaan 'appendicitis', dhaqtarka  wuxuu awood u yeelan doonaa inuu sameeyo baaritaan kalsooni leh.

Xaaladdan oo kale, isla markiiba waxaa laguu gudbin doonaa isbitaal si laguugu daweeyo xanuunkan.

Sidoo kale waxaa sameyn kartaa baaritano kale aad ku xaqiijin kartid qabsinka laakin badanaa waxaa go,aan lagu gaara calamadaha qofka lagu arko clinically oo ah baaritan jirka aad ka raadineysid calaamadahaas.

Baaritanada waxaa ka mid ah:

    Ø  Blood test hadda ku aragtid calamadaha infectionka.

    Ø  Uurka miya jiro hadey dumar tahay.

    Ø  Gaadhida inaa baartid.

    Ø  Ultrasound.

    Ø  CT-scan.

Side loo daaweeya qabsinka

Qabsinka waxaa lagu daaweeyaa qaliin oo ah in la saaro xubintaas (appendix)

Sidaa darteed bukaanka waxaa usii sameyn dontaa in aad siiso qalajiyo (antibiotic), qandho jabiye (practimol) iyo biyo badan ilaa uu qaliinka waqtigiisa ka gaarayo.

Xubintas haddii bukaanka laga saaro wax dib ah ma lahan qofka caafimaadkiisa iyo shaqada jirkiisa wax is badal ah kuma imaanayan. 


wixii dheer ah booqo websitekeena https://www.ayubmedical.com/

Post a Comment

0 Comments
Post a Comment

#buttons=(Accept !) #days=(20)

kusoo Dhawaw. Our website uses cookies to enhance your experience. Read More
Accept !
To Top