10 TALO OO KAA CAAWINAYA KOBCINTA MASKAX WANAAGSAN

Ayub Mohamud
1



Waxaan diiradda saari doonnaa side aan u heli laheyn maskaxda sax ee hogaamiye lagu noqon karo iyo in waxaan ku sharxi doonaa farqiya u dhaxeeya fikir go,aanka iyo maskaxda oo la koriyo. Si aad ugu faaideysatid una raacdid talooyinkaas kobcinta maskaxda.

Waa kuwaan 10ka talo ugu wanaagsan hormarinta maskax korriimada ama kobcinta.


      1.    U ogolow naftaada inay riyooto

Guul kasta ama hadaf kasta oo qofka gaaro waxa uu ka bilawdaa riyo. Naftaada u ogolow inay riyooto hana u xadidin riyada ay riyooneyso. Riyooyinkaada waxaa qeyb ka mid ah hal-abuurka naftaada ay leedahay haddii aad iyaga duubto waxaad ogaanaysaa fursadaha cusub. Hadda isku day.


      2.     Aqoonso ciladahaada oo aqbal

Iska qarinta iyo inaad iska indho-tirto qaladaadkaaga waxaa hubaal inaadan waligaa ka gudbi doonin. Sidoo kale waxay caqabad ku noqoneysaa inaad hormariso kobcinta maskaxdaada. Haddii aad qaadato oo aad aqoonsato ciladahaaga waxaa ku guuleysan doontaa inaad jabiso maskaxdaada awoodeeda.


      3.    Isku day maalin kasta inaad wax cusub barato

Haddii aad go’aansato inaad maalinkasta hal shay cusub baratid dhamaadka sanadka waxaa baratay ama aad isku dayday 365 shay oo cusub. Fursadaha aad heleysid in aad wax baratid oo aad jeceshahay aad bay u sarreysaa.tani waxaa ka muhiimsan in ay maskaxdaada ay dhismatay oo kobacday si dhakhsa ah sidoo korriimo shaqsiyeed naftaada.


      4.    Noqo hogaamiye adiga kuu gaar ah

Markaa tartan cusub qaadeysid, noqo qof isaga is hogaamiya oo is dhiirigaliye. Dhiso dabeecado naftaada aad ku dhiirigalisid si aad u kobciso maskaxdaada.diirada saar dabeecada aad ku dareemaysid firfircoonida markii aad qabaneysid xirfadaha cusub.



      5.    Abuur mawjad dareen ujeedo leh

Markaad bilawdo kobcinta maskaxdaada waxaa dareemi inaad yeelaysid dareen weyn oo ujeedo xambaarsan. Sida darteed ku hay maskaxdaada dareenkaas waxay kaa caawin doonta inaad joogteysid.


      6.    Dadka cusub la macaamil

Baro oo la hadal dadka aanan hore ula hadlin waqti la qaado. Haddii aad la sheekaysato si maskax furan waxaa baran doontaa waxyaabo cusub. Tani waxay kugu abuureysaa inaad kicisid hal-abuurkaaga iyo fikradaada.


      7.    Kartidaada ku kalsoonow

Isku day inaad aamintid kartidaada aad ku baran kartid waxyaabo cusub, iska ilaali wax kuu keeni karo niyad xumo ama faaloyinka xun ee dadka kale. Inkasto dhaleycayto ay ka mid tahay waxyaabaha niyada dhiso ama kobciyo maskaxda mararka qaar waa loo baahanyahay, waxaa muhiim ah in aad codkaaga dhageysato si aad u hormariso kartidaada.


       8.    Korriinka maskaxdaada xooga saar

Waa muhiim in aad is xasuusisid inaad maskaxdaada korrineysid, tani waa geedi socod joogta ah oo aad siiwatid korriinka iyo waxbarashada. haka niyad jabin xirfadaha iyo dabeecadaha cusub hadey waqti qaadanayan aad ku baraneysid. Xawaarahaada kordhi.


      9.    Khibradaada diiradda saar, ee ha fiirin natiijada ka dambeysa

Waxaa jiro hawl aad kaga fogaatay inaadan ku fiicneyn uunan isku kalsooneyn. Is weydii “miyay micno leedahay haddii anaan ku fiicneyn howshaas?” Jawaabtu waa Maya. Uma baahnid marka inaad ku wanaagsanaatid, ku raaxeyso diiradda saar adeegso khibradaada, waxaa jeclaan doonta oo yeelan madadaalo fiican waana ku raaxeysan adoonan ogeyn.


      10.   Sameyso habdhaqan gooni kuu ah

Marka aad horumariso maskaxda korriinka, lahaanshaha. Naftaada u qir in aad tahay qof leh maskax korriin oo ku faan in ay kuu ogolaato in ay ku hagto inta aad ku jirto shaqadaada.


wixii dheer ah booqo websitekeena https://www.ayubmedical.com/



Post a Comment

1 Comments
Join the conversation(1)

#buttons=(Accept !) #days=(20)

kusoo Dhawaw. Our website uses cookies to enhance your experience. Read More
Accept !
To Top