Dhiciska waa in ay ilmaha ay so dhacaan ama laga soo saaro uurku jirta ka hor inta aysan gaarin iney noolan karaan (badana ilmo sameysankan wuxuu bilawdaa 20 isbuuc ka dib).
Dhicisku waa hab lagu joogiyo uurka ama
mararka qaar waxaa la dhahaa wa in uu uurkii joogsaday.
Ilmaha iney
so dhacaan waxey u dhici karaan laba qaabood, kan Kowaad in ilmaha si kadis ah oo iskooda ay usoo dhacaan markaas
waxaa la dhahaa dhicis, kan Labaad waa in ilmaha si ula kac ah
loo soo rido taasna waxaa loo yaqaana ilmo
so riddid.
Dhiciska ama ilmaha iskooda usoo
dhaco waxaa keeni
karo cudur, dhawac(jug culus), hidhe-side(dhaxal) ama in ay iswaafijin la,aan
ka dhaxeyso hooyada iyo cunuga waxa ugu badan ee keena waa nooca dhiig oo kala
duwan. Marmarka qaar waxaa dhacda in ay ilmaha ama cunug uurku jirta uu ku
dhinto ka dibna aanan lasoo saarin ama uusan soo bixin waxaa loo yaqaanaa
dhicis maqan (micnaha lama ogaanin in ay dhinteen).
Ilmo so riddida (induced abortion) waxaa la saameyaa markii ay jiraan 4
waxyaabood ay jiraan:
1. Si loo ilaaliyo nolosha ama maskax
fayoobida hooyada.
2. Si loogu hortago dhameystirka uur ka
dhashay kufsi ama galmo.
3. Si loogu hortago ilmo cunyaarnimo
daran, dhimir maskaxeed ama hidhe-side qaldan oo halis ka dhalan karo.
4. Si loogu hortago sababo bulsho ama
dhaqaaleed sida gabar dhalinyaro aad u daran iyo waxa la mid ah.
Hababka ilmaha la iskaga soo riddo
Waxaa jirto
lanba qaabood:
1) Ilmo soo ridid iyadoo la isticmaalayo
daawoyin (Kaniini) kuwaasoo keenaya inay uurka joojiyaan: waxaa qaadaneysaa
labo daawo ama hal daawo kuwaaso muddo 24-48 saacadood qaadanayo iney ilmaha
soo ridaan.
2) Ilmo so ridid qaab qaliin ah iyadoo
lasoo xaaqayo.
Ilmo so
riddida waxaa la sameyn karaa 24 isbuuc ugu horeeya uurka.
Sidoo kale
waxaa jiro xaalado qaar ilmaha la soo riddo 24 isbuuc ka dib haddey ay jiraan Qatar
caafimaad oo nololeed ama cunuga koriinkiisa wax ka qaldamo.
Hababkaan midkaa
aad dooraneysid adiga ayay kugu xiran tahay mid kastana halistiisa ayuu wataa.
Ka dib
markii ilmaha la soo riddo waxaa ubaahantahay nasiino iyo inaad sameyso
shaqoyinka fudud, sidoo kale waxaa laga yaabaa ilaa 2 isbuuc inaad dareentid
dhabar-xanuun, raaxo la,aan ama dhiig kaa imaada, xaaladana waxey kusoo
laabaneysaa sida caadiga ay aheyd.
wixii dheer ah booqo websitekeena https://www.ayubmedical.com/
Maxaa Qatar
ah ka dhalan karaa ilma so ridditaanka
Ilmo so
ridditaanka waa hab fudud anan wax Qatar ah ka dhalanin, wuxuu leeyahay xanuun
yar iyo dhiig bax yar kasoo lagu joojinayo uurka waqtiyada hore.
Qataraha ka
dhalan kara oo ay halista ugu jiraan waxaa ka mid ah:
a. Caabuq ku dhaco minka ama ilmo-galiinka.
b. Dhiig bax fara badan.
c. Inaad ugu soo tagtid ama ku haraan
qaar ka mid ah cunug jirkiisa.
d. Dhawaac aad gaarseesid ilmo-galiinka
iyo afka miin-galiinka.
Haddii ay
dhacaan qatarahaan waxaa ubaahan tahay daawoyin ay ku jiraan qaliin.
Haddii aad
ilmaha iska soo ridid saameyn kuma yeelanaayo uurka xigo aad qaadeysid.
Haddaan rabin
inaad uur qaadin waxaa isticmaashaa daawoyinka ka hortago uurka.
wixii dheer ah booqo websitekeena https://www.ayubmedical.com/