Waxaa jiro xaalado badan oo qofka ku keena daalka sida walbahaarka, cabsida, hurda yarida,walwalka iyo siyaabo badan oo ka mid ah nolol maalmeedka qofka.
Sidaa
darteed isku day inaad raacdid talooyinkaan oo ka caawinaya inaadan daal
dareemin ama caajis.
Haddii aadd
dareento daal xad dhaaf ah oo xanuun ah uunan hurda iyo nasiino kaaga
yaraaneynin waxaa dhici karto in xanuun oo keenay jiro sida cudur.
La tasho una tag dhaqtar ka caawiya daalkaan.
Talooyinkaan
raac si aad ula dagaalanto daalka.
1.
Cunno badan cun in ka badan cunada
hore u cuni jirtay
Habka ugu
wanaagsan aad cunno badan u isticmaali kartid waa inaa aad sameysid 4 saac ama
5 saac kasta aad cuntid cunooyinka caadiga ah iyo cunooyinka fudud halkee halmar
cunno badan ka cuni laheyd.
2.
Dhaqdhaqaaqa badi sida jimicsi, socod
iyo wixii la mid ah
Jimicsiga
aad joogteysid wuxuu kaa caawinaya in aad dareento daal yar, sidoo kale waxaaad
helaysaa tamar badan oo aad ku dareento firfircooni.
Haddii aad
maalin kasta socotid 20 daqiiqo socod kaliya jirkaaga wuxuu dareemi doona
firfircooni iyo tamar fiican.
3.
Miisaankaga oo aad yareysid
Miisaankaaga
haduu badan yahay waxaa dareemi doonta daal, sidoo kale waxaa cadaadis shaqada
ku badin doontaa wadnahaaga, waxaana dareemi doonta daal. Sidaa darateed waxaa
laga maarmaan ah in aad miisankaga iska yareysid waxaa noqon doonta qof
firfircoon oo aanan daal dareemin.
4.
Hurda fiican oo aad seexatid xilliga
habeenka
Badanaa
dadka hurdo ku filan ma jiiftan sida darteed maalinta wey ku adagtahay inay
feejignadaan oo waxay dareeman daal.
Talooyinkaan
raac si aad u heshid hurda fiican:
Waqti u
samey hurdada markaa jiifaneysid iyo markaa soo kacaysid maalin kasta, ka fagow
hurdada maalinta iyo ku qaado waqti sariirta inta aadan seexanin.
5.
Walwalka inaad iska yareysid waxkasta
oo keeni kara
Walwalka wuxuu
keena in aad lumiso tamarta jirkaaga sida darteed samey waxkasta aad
firfircooni ku dareemi kartid sida jimicsi, socodka, kubada iyo i.w.m.
6.
Coffee ka aad iska yareysid ama gabi
ahaan joojisid isticmaalkiisa
Kulliyada Royal
ee cilmi-nafsiga ayaa waxay ku talinaysaa in qof kasta uu joojiyo coffeeka oo
daal dareema, sida ugu fiican aad iskaga joojin kartid ayaa ah si tartiib muddo
2 isbuuc dhamaan wax kasta oo ku jiro coffeka.
7.
Biyo badan inaa cabtid si aad uga
heshid firfircooni
Daalka waxaa
keena badana markaa jimicsiga sameysid in biyo badan jirkaaga ka lumo, si aad
usoo celisid waa inaa cabtaa biyo badan.
wixii dheer ah booqo websitekeena https://www.ayubmedical.com/