Hilibka cas ee saafiga ah waa il wanaagsan oo laga helo borotiinka iyo B fiitamiinnada waxayna qayb muhiim ah ka yihiin cuntada aadanaha.
Dabcan, hilibka cas
wuxuu qeyb ka yahay cunnada dheellitiran markii loo isticmaalo dhexdhexaad. Hilibyada
oo dhan isku mid ma ahan, laakiin astaanta hilibka gaarka ah (gaar ahaan hilibka
dufanka leh iyo sidey ushaqeyan) ayaa go'aamin doona sida ay u caafimaad qabaan
maalin kasta.
Xaddiga loogu talagalay in la isticmaalo hilibka cas maalin kasta:
Waaxda Caafimaadka
waxay dadka kula talisaa inay cunaan 90gram ama ka yar hilibka casaanka maalin kasta.
Zinc
wuxuu door muhiim ka qaata synthesis-ka DNA wuxuuna ka caawiyaa nidaamka
difaaca ee jirka inuu si fiican u shaqeeyo.
Halkan ayaan ku soo goobi donna faaidoyinka uu leeyahay hilibka cas:
Wuxuu dhisaa muruqa wuxuuna hagaajiyaa caafimaadka muruqyada jirka
Borotiinka hilibka ayaa kaa caawiya inuu miisaanka yaraada iyo sidoo kale dhisida iyo joogtaynta muruqyada jirka iyo caafimaadkooda, tusaale
Metabolismka jirka ayuu hagaajiyaa
Ka sokow borotiinka, hilibka cas waa il adag oo ah fitamiin B12. Fiitamiin B12 wuxuu muhiim u yahay Metabolismka, waxaana inta badan laga helaa cuntooyinka xayawaanka ku saleysan.
Wuxuu xoojiyaa caafimaadka
wadnahaaga
Fiitamiin B12 sidoo kale wuxuu muhiim u yahay wadnaha, dareemayaasha iyo murqaha caafimaadkooda.
Metabolismka jirka iyo tamarta ayuu kor u qaadaa
Daal iyo tamar la'aan ayaa ah astaan caan ku ah dhiig yaraanta, xaalad dhici karta haddii aadan isticmaalin iron kugu filan. Hilibka jilicsan waa isha laga helo iron ta, sidoo kale waxaa ka heli kartaa ironta ilaha dhirta sida digirta, 'Ironta waxay fure u tahay metabolismka jirka iyo wadnaha Caafimaadkiisa.'
Khataraha hilibka cas
Isticmaalka hilibka cas ayaa lala xiriiriyay dhacdooyin soo kordhay oo ah:
- cudurka wadnaha,
- kansarka mindhicirka iyo
- nooca 2aad ee sonkorowga.
Wuxuu kordhiyaa halista
cudurada wadnaha
Laga bilaabo 2022,
cudurka wadnaha ayaa weli ah waxa ugu weyn ee dhimashada keena ee ku badan Mareykanka,
waxaa keena cunista hilibka cas.
Wuxuu keenaa cancerka mindhiciraha (colon cancer)
Waxaad u badan tahay
inaad maqashay in cunista hilibka casaanka ah iyo kuwa la farsameeyay waxaa
lala xiriirinayay kansarka mindhiciraha(colon cancer), Daraasado badan oo saynis
ah ayaa xoojinaya xiriirkan.
Daraasad 2021 ah, oo
lagu daabacay Cancer Discovery Website, oo loo aqoonsaday qaab gaar ah oo ah
waxyeelada DNA ee cancerka mindhiciraha , ay ku badan tahay shaqsiyaadka si
joogto ah u cuna hilibka casaanka ah iyo kuwa la soo farsameeyay, taas oo sii
xoojinaysa cunista cunnooyinkaas inay yihiin kuwa keena kansarka qatarta ah ee
mindhiciraha.
Ugu dambeyn
Waxaa la rabaa qofka in
uu qaato xaddiga loogu talagalay maalin kasta hilibka cas si loogu hortago
cuduradaas halista ah.
wixii dheer ah booqo websitekeena https://www.ayubmedical.com/
Mahadsanidiin